Soomaaliya oo laga reebay Xafladda Saxiixa Heshiiska Nabadda Itoobiya iyo Eritrea

0
196

Magaalada Jeddah dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in ay gaaraan Madaxweynaha Eritrea iyo waliba Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana ay ka qeyb galayaan Xaflad weyn oo lagu maamuusaayo heshiiskii ay wada gaareen Labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay kaalin muuqata ka qaadatay heshiiska dalalka Geeska Afrika, laakiin dowladda Sacuudiga ayaa ka tagtay Soomaaliya markii ay Casuumadda u diraysay dalalka geeska Afrika.

Calamada dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa laga taagay waddooyinka magaalada Jeddah ee Sucuudi Carabiya.

Hoggaamiyeyaasha Sucuudiga, Ethiopia iyo Eritrea ayaa lagu waddaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo lagu hormarinaayo dalalka geeska Afrika.

Dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay kusoo biiran tartanka culus ee loogu jiro dalalka geeska Afrika.

Xiriirka ka dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday Bilihii lasoo dhaafay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqotay Khilaafkii dalalka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here