Tababaraha Chelsea Oo Daboolka Ka Qaaday Waxa Ka Yaabiyey Ee Uu Ku Arkay N’Golo Kante

0
244

Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa ka fallooday waxyaabaha cajiibka ah ee uu ku arkay laacibka khadka dhexe ee kooxdiisa N’Golo Kante.

Sarri waxa uu sheegay in ay cajibisay hibada farsamo ee uu leeyahay France-siiska.

Tababaraha cusub ee Chelsea waxa uu ku dhiirigalinayaa Kante weerarka kaas oo loo yaqaanay mid ka mid ah bur buriyeyaasha ugu adag kubadda cagta.

Kante waxa uu dhaliyey goolkii kowaad ee Huddersfiel walina waxa uu sii wadaa cajabinta tababarehiisa cusub.

Laakiin Sarri markii uu dib Chelsea ugu celiyey shaxdii afarta daafac, Kante ayaa aad u cajabiyey marka ay timaado farsamadiisa.

“Kante waa khad dhexe oo wanaagsan,” ayuu Sarri yiri.

“Boos walba oo dhexda ah wuu ka dheeli karaa.

“Isaga dhib kuma aha. “Waan la yaababay tayada farsamo ee uu leeyahay Kante.”

Kate waxa uu ka gacan siiyey Chelsea ay badiso saddexdii kulan ee ugu horreeyey waxaana sugaysa maanta Bournemouth.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here