Tiro 50,000 Oo Qof ku dhow Oo gudaha Mali ku barakacay, Ayaa xaaladooda laga deyrinayaa

0
101

Ku dhawaad 50,000 oo ruux ayaa guryahooda ka barakacay waqooyiga iyo bartamaha dalka Mali, sannadkan gudihiisa oo kaliya, sababo la xiriira dagaallada sokeeye, kororka kooxaha hubeysan iyo howlgallada milatariga.

“Gargaarka bani’aadanimo ayaa ku filnaan waayay baahida jirta waxayna dadku ku xaniban yihiin iyagoo aan heysanin adeegyada lagama maarmaanka ah” sidaas waxaa tiri hay’adda u dhaqdhaqaaqda gargaarka qaxootiga ee NRC.

Tirada cusub ee dadka barakacay waxay boqolkiiba 60 ka badan tahay marka la barbar dhigo tii la soo bandhigay sannadkii la soo dhaafay ee ay diiwaan galisay hay’adda NRC oo kaashaneysay hay’ado kale oo ka howl gala Mali.

“Saameyn aad u ballaaran waxay ka dhalatay howlgallada milatariga, iyadoo kumannaan qof ay guryohooda ka bara kaceenna ma jirto wax ay heystaan oo noloshooda kaafiya,” ayuu yiri Hassane Hamadou, oo ah dhakhtar ka tirsan NRC oo ku sugan Mali.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here