Trump iyo Kim oo Kulan kale Qorsheynaya

0
117

Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa Arbacadii shalay sheegay in maamulku uu qorsheynayo wareego labaad oo shir heer madaxweyne ah oo uu la qaato hogaamiyaha K. Woqooyi Kim Jong Un, kaas oo xilli dhow shaaca laga qaadi doono.

Aroortii Arbacada ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo uu sheegay in uu isagu qorsheynayo shir-madaxeedkan, kaas oo laga yaabo inuu dhaco ka dib bisha October. Pompeo ayaa Khamiista maanta ah ka hor hadli doona Golaha Ammaanka ee QM, arrimo la xiriira baabi’inta hubka nuclearka ee K. Woqooyi.

Shir jaraa’id ee magaalada New York ku qabtay, hawlo garab socda kulamada Golaha Guud ee QM ayaa madaxweyne Tump uu diiday inuu xaddido xilli go’an oo K. Woqooyi ay hubkeeda nuclearka ku baabi’inayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here