Wararkii U Dambeeyey Qarax Ka Dhacay Xarunta Degmada Hodan

0
164

Qaraxaan oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay Albaabka laga galo Xarunta Maamulka degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga maqlay jugta qaraxa,iyada oo ay xigtay rasaas farabadan oo aan weli la shaacin cida rideysa.

Inta badan waxaa bur buray Xarunta Maamulka degmada Hodan ee qaraxa lagu weeraray,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Wariyeyaal ku sugan Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in ay arkayeen khasaaraha dhimasho ee qaraxasi ka dhacay,sial amrkaana ay jiraan dhaawacyo ay qaadayaan Gawaarida gurmadka deg dega ah ee loo yaqaano ambalaasta.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo xiray gebi ahaanba wadooyinka soo gala Xarunta Maamulka degmada Hodan.

Todobaadkii hore ayaa qarax lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada howl-wadaag waxaa ku geeriyooday dad isugu jira Shacab iyo Ciidan halka dad kale ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here