Xildhibaan Hirshabelle ah oo ku eedeeyay dowladda faragelin inay ku hayso Maamulkaas.

0
143

Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin oo ka mid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in eedeymihii uu madaxweyne Waare u jeediyay dowladda dhexe ay dhammaantoodba yihiin kuwa xaqiiqadooda la haayo.

Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay tabasho ka qabeen xukuumadda Muqdisho, islamarkaana halkii ay ka doonayeen in tabashada ay ka xalliyaan loogu beddalay culeysyo siyaasadeed in ay la saaro.

Waxa uu ku eedeeyay dowladda dhexe xubno Saraakiil NISA ka tirsan inay u soo dhiibtay qarashaad kala duwan si loo carqaladeeya hanaanka siyaasadda Maamulka Hirshabelle.

Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa dhawaan Golaha Iskaashiga ay ku midoobeen waxa ay ka sheegeen Kismaayo inay hakiyeen xiriirkii wada shaqeynta ee kala dhaxeeyay dowladda Federalka Somaliya, kadib eedeymo kala duwan oo ay u jeediyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here