Al-Shabaab oo la wareegay degaanka Goofguduud

0
158

Warrarka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ciidamo ka tirsan  Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca wadada aada degmada Waajid.

 

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay Abaare 11:00 Habeenimo la wareegay gacan ku heynta degaankaasi oo bilihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

 

Ciidamada Ammaanka dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa dib ugu laabtay degaankaasi oo muhiim u ah dhanka Ciidamada ka howlgallada gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here