Ciidanka Dowlada Iyo Amisom Oo Shabaab Kala Wareegay Deegaanka Buurweyne Oo Ka Tirsan B/Burte

0
232

Ciidamada xooga dalka qeybta 27aad ee deegaanada hirshabeelle oo kaashanaya ciidanka amisom ee hiilwalaal ayaa maanta alshabaab kala wareegay deegaanka Buurweyn ee ka tirsan degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan sida ay hiiraanweyn u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xooga dalka ee howlgalka hogaaminaya.
Howlgalkan ay ciidamada is garab sanaya ka wadaan gobolka hiiraan ayaa ujeedadiisu tahay sidii al shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiran
Ciidanka Huwanta ayaa dagaal la,aan la wareegay Buurweyn oo ay horay al shabaab u maamuli jireen xarun muhiim ahna u aheyd.
waxii kusoo kordho waxaad kala socon kartaa hiiraanweyn.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here