{DAAWO SAWIRADA} Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Waare oo caawa laga laabtay

0
211

Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magalada Jowhar waxaa Caawa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Hir-Shabeelle, guddooomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaano waxaana ay kaga hadleen mooshinkii dhawaan laga gudbiyay Madaxweynaha.

Kulanka soo saacado qaatay kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed waxa uu ku dhawaaqay in Xildhibaannada Hir-Shabeelle ay ka noqdeen Mooshinki laga keenay Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Guddoomiye Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in mooshinkaas uu ahaa mid lagula xisaabtamayay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,isla markaan ay ku canaanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here