{DAAWO SAWIRADA} Munaasabad Lagu Daah Furayey Waxbarashada Master Degree Oo Baladweyne Lagu qabtay

0
238

munaasabadan oo aheeyd mid lagu daahfurayey waxbarashada master digree ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne waxaan kuguuleystey in ay soo kordhiyaan oo iska kaashanaya jaamcadaha green hope iyo kesmonds international university waxaana marti giliyey oo imtixaanaadku kasoconayaan jaamacada savannah Xarunteeda Baladweyne

marti sharaftii munaasabada kaqeyb galay ayaa si aad Ah usoo dhoweeyey ayagoona umahadciliyey aqoonyahanada soo kordhiyey waxbarashada masterka oo ay sheegeen in ay kusoo aaday xili baahi weyn loo qabay.

 

gudi khuburo ah oo kasocdey jaamacadaha green hope iyo kesmonds international University ayaa su,aalo laga weydiiyey sida lagu dhigan karo iyo cida damaanad qaadeysa darajada masterka maadaman ay tahay mid kucusub baladweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan

mustafa macalin cabdala maamulaha jaamacada green hope ayaa sheegey in codsi uga yimid bulshada reer baladweyne iyo maamulka jaamacada savannah ay tixgiliyeen sidaasna ay dadka reer baladweyne nasiib ugu yeesheen in aysan deegaan kale u,aadin waxbarashada masterka

S/Q:.Cabdi axmed Xuseen 

Hiiraawneyn Baladweyne 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here