{DAAWO SAWIRADA} Qeybaha Kala duwan ee Bulshada Baladweyne oo loo qabtay Tababar lagu  baranaayay  xaquuqda aadanaha.

0
247

Tababarkan oo socondoono mudo sadax cesho ah ayaa waxaa lagu barandoonaa sida loo ilaalin karo xaquuda aadanaha waxana ka faa ideysanaayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku nool magaalada Baladweyne ee Gobolka hiiraan.

 

Eng Cabdi Casiis Mayoow Maxamed oo ka socdo hayada Bini aadam oo fulineyso tababarka ayaa sheegay in ay uga gol leeyihiin tababarkan sidii dadka ku nool Magaalada Baladweyne ay masuuliyad iskaga saari la haayeen ilaalinta xaquuqada aadanaha.

 

Dr Asad Ceymoy oo kasocda  Hayada Forum SYD/Sida kana mid ah hayadaha Maalgilinaayo Tababarkan ayaa waxaa uu la dardaarmay dadkii loo furaayay Tababarka waxana uu ku bogaadiyay in ay siwanaagsan uga faa ideystaan tababarkan isla markaana ay gaarsiiyaan dadka kale ee kunool Xafadaha ay ka kala yimaadeen.

 

Qaar kamid ah dadkii loo qabanaayay tababarka ayaa so dhaweyay waxana ay ku tilmaameen mid waxbadan ay ka faaideysan doonaan mudada u socdo tababarkan.

 

Tababarkan oo Lagu baranaayo Arimaha Bini aadanimada oo ay  maalgilinayaan Hayadaha Bini aadam  iyo Forum SYD/Sida  ayaa waxaa fulinaayo Ururka Dhalinyarada Gobolka hiiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here