Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo walaac ka muujiyay War-Murtiyeed uu soo saaray Aqalka Sare

0
176

War saxaafadeed ka soo baxay maanta Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa lagu sheegay in ay lama filaan ku noqotay war murtiyeed uu Aqalka Sare ka soo saaray 2dii bishan arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale War Saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka walaacsan yahay in la dhinac maray war murtiyeedkii ay ka soo saareen magaalada Kismaayo gaar ahaan qodobkiisa 3.9 kaasoo ka digayay farogelinta arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedkan ayaa waxaa ay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ugu baaqeen Aqalka Sare inay qadariyaan Mowqifka Dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here