Maamulka Galmudug Oo sheegay In faragelin ay Ku haayso Dowladda Somaliya

0
170

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) ayaa wuxuu sheegay inay weli socoto faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka dowlad goboleedka Galmudug, kadib shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay madaxda dowladda inay adeegsaneyso xubnaha aqalka sare, sidoo kale golaha aqalka sare ayuu sheegay inay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, islamarkaana ay ku milmeen faragelinta madaxda dowladda ay ku heyso Galmudug.

“Weli waxaa socota faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka dowlad goboleedkadka Galmudug, taas oo hada qaadatay waji cusub, iyaga oo adeegsanaya Senatarada aqalka sare ee Soomaaliya, waxaa cad in aqalka sare ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, iyada oo ay hada cadahay inay ku milmeen faragelinta dowladda ay ku heyso dowlad goboleedyada gaar ahaan Galmudug”. Ayuu yiri Wasiir Masagawaa.

Weli waxaa muuqata inaan xal waara laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug oo mar marka ka dambeysa waji cusub yeelanaya, waxayna arrintu ka sii dartay markii xildhibaanada ay laba u kala qeybsameen, islamarkaana xilalkii ka kala qaadeen madaxda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here