Maxbuus 100 sano jir ah oo u dhashay Nigeria oo sugaya xukun dil ah

0
278

Celestine Egbunuche oo ah maxbuus loo heysto fal dil ah ayaa loo aqoonsaday inuu yahay “maxbuuska ugu da’da weyn dalka Nigeria” iyadoo uu socdo ol’ole ku saabsan in la sii daayo.

Da’diisu waa 100 sano, wuxuuna xabsiga ku jiraa 18 sano ka dib markii lagu helay dambi ku saabsan inuu qaban qaabiyay fal dil ah.

Marka la eego wajigiisa wuxuu u muuqdaa qof ka qoomameysan dambiga lagu helay, isagoo fadhiya qol ku dhex yaalla xabsiga oo maxaabiista la soo booqdo ay dadka kula kulmaan.

Hase ahaatee wuu iska aamusanyahay- wuuna ka duwanyahay maxaabiista kale eek a dhex buuqeysa xabsiga ay ku xiranyihiin oo lagu magacaabo Enugu, kaasoo ah jeel ammaankiisa aad loo adkeeyay oo ku yaalla koonfurta-bari ee dalka Nigeria.

Wiilkiisa Paul Egbunuche, oo 41 sano jir ah ayaa fadhiya garabkiisa – isaga ayaana u hadlaya.

Qudhiisu wuxuu ku jiraa xabsiga wuxuuna la dambi yahay aabihiis.

Labadoodaba waxaa lagu eedeeyay iney kireysteen dad afduub iyo dil u geystay nin ay ku muransanaayeen arrimo la xiriira lahaansho dhul ku yaala gobolka Imo.

Paul wuxuu ku adkysanayaa in isaga iyo aabihiis aysan wax dambi ah lahayn.

Waxaa xabsiga la dhigay sannadkii 2000 waxaana ugu dambeyn sannadkii 2014-kii lagu riday xukun dil ah, ka dib markii dambigooda loo helay caddeymo ku filan.

Suurta gal ma ahayn in xiriir lala sameeyo qoyska uu ka soo jeedo ninka loo heysto iney dilkiisa qorsheeyeen – xitaa masuuliyiinta xabsiga Nigeria wax xiriir ah kama hayaan qoyskaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here