Shil Khasaare Geystay oo ka dhacay Gobolka Mudug

0
165

Wararka naga soo gaaraya degaanka Gawaan ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in shil Khasaare geystay uu saakay ka dhacay degaankaasi.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Gawaan ayaa Hiiranweyn u xaqiijiyay in gaari nooca xamuulka qaada ah oo ka baxay Magaalada Gaalkacyo uu ku rogmay degaankaasi.

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhimatay Shilkaasi,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 6 ruux sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dadka dhaawaca ah ayaa lasoo qaaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug si loogu dabiibo Xaaladooda Caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here