Van Persie oo go’aansaday in uu ciyaaraha ka fariisto

0
97

Robin van Persie oo horay ugu soo dheelay kooxda Manchester United iyo dalkiisa Netherlanads ayaa sheegay in uu ka fariisanayo kubbadda cagta dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Soddon iyo shan jirkan ayaa bishii Janaayo dib ugu laabtay kooxda Feyenoord oo ah meeshii uu ciyaaraha ka billaabay isaga oo 17 jir ah, dalkiisana wuxuu u dhaliyay 50 gool isaga oo u saftay 102 kulan.

Markii uu England ka dheeli jiray Van Persie wuxuu ku guulaystay FA Cup isaga oo Arsenal ka tirsanaa, markii uu United ku biirayna wuxuu la qaaday Horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

“Goormay tahay in aan ciyaaraha ka fariisto?” waxay u badan tahay dhammaadka xilli ciyaareedka,” ayuu yiri.

Waxaan markaas noqon doonaa 36 jir, 18 sano ayaana xirfadan ku soo jiray. Markii aan shan sano jiray ayaanse kubbad ciyaaridda soo billaabay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here