Wasaaradda Caafimaadka Oo Joojisay Ka Ganacsiga Daawada TB-Da

0
149

Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in cudurka TB-da uu dhibaato farabadan ku haayo Shacabka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah.

Iyada oo la hadashay warbahinta  ayaa waxa ay sheegtay in daawooyinka loo adeegsado ay uga sii dartay in cudurku uu bulshada kale ku sii dhex faafo

Hayeeshee Wasiiradu ay sheegtay inay sidaasi darteed ay Wasaaradda Caafimaadka mamnuucday soo dejinta iyo ka Ganacsiga Daawada qaaxada.

Cudurka TB-da ama qaaxada ayaa waxa uu ka mid yahay cudurada sidaweyn dhibaatada ugu haya Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka ay adeegsadaan dawooyin mudo lix bilood ah loo cunayo si loogu caafimaado balse haatan Wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay in la joojiyey ka Ganacsigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here