Xiddig ka tirsan Chelsea oo qalbiga ka jebiyay Barcelona iyo Real Madrid

0
186

Difaaca kooxda Chelsea ee Marcos Alonso ayaa u sheegay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid inay candhuuftooda dib u laqaan, isagoo diyaar u ah inay heshiis cusub siiyo kooxdiisa.

Alonso ayaa si aad ah looga baadi goobayay horyaalka La Liga, gaar ahaan kooxaha ugu waaweyn ee kala ah Barca iyo Madrid.

27-sano jirkan ayaa iska diiday inuu u raaco Spain goolhayahii hore ee Chelsea, Thibaut Courtois kaasoo Los Blancos xagaagii ku biirray.

Blues ayaa wada xaajood heer sare ah la qaadaneysa dambeedka bidix, waxaana ay ku rajo weynyihiin inay heshiis cusub siiyaan difaacan.

Alonso ayaa ka mid ah xiddigaha laf dhabarta u ah kooxda Macallin Maurizio Sarri, waxaana uu mustaqbal ifayo ku leeyahay garoonka Stamford Bridge.

Xiddiggan ayaa sidoo kale ka mid ah xulka qaranka Spain safkooda muhiimka ah ee uu inta badan isticmaalo Macallin Luis Enrique.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here