Home Wararka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Cod u qaadaya Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Cod u qaadaya Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka

0
78

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here