Baarlamanka Itoobiya oo ansixiyey go’aan shaki badan ku abuuraya Soomaalida

0
99

Barlamanka Itoobiya ayaa maanta meel mariyay sharciyo cusub oo qaarkood wax laga bedelay waxaa ku jira dhismaha ciidamada badda ee dalkaas.

Baarlamanka ayaa ansixiyay wax ka badalka hindise sharciyeed wax looga badalayo xeerarkii lagu sameeyay ciidanka xoogga, iyadoo isla markaana dhinaca kala la dhisay guddiga xuduudaha.

Sharciyada cusub ee baarlamaanka ansixiyey waxaa ku jira aas-aasidda ciidamada Badda, ciidanka Space-ka ama hawada sare iyo sidoo kala kuwa dhinaca dagaalka Internetka.

Itoobiya oo aan laheyn xeeb ayaa dhowaan shaacisay iney saldhigyo milateri oo dhinaca badda ah ka dooneyso iney ka sameysato xeebaha Somalia.

Itoobiya ayaa wadahadalo arintaas la xiriira la furtay dowlada Somalia inkastoo aysan jirin wax heshiisyo ah oo weli arintaas laga gaaray, waxaana damaca Itoobiya ee xeebaha Soomaaliya uu ahaa mid muddo dheer soo jiray, waxaana go’aanka ay Itoobiya ku dhisaneyso ciidamada badda uu shaki badan ku abuurayaa Soomaali badan oo aan jecleyn la macaamilka Itoobiya sababo la xiriira colaadii horey u dhexmartay labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here