{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dilkii Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan,

0
284

Dabley hubeysan ayaa weeraray gaari uu la socday Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) isagoo ka soo tegey degmada Maxaas kuna sii jeeday magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dableyda weerarka geysatay ay ahaayeen maleeshiyo beeleed ka soo jeeda gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan  Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in gaarigii uu watay Guddoomiye ku xigeenka iyo hubkii ay wateen ilaaladiisa ay hore u qaateen dableydii weerarka geysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here