{DAAWO SAWIRADA} Booliska Somaliya oo digniin u diray dadka sameeya Dukumiintiyada been abuurka ah

0
71

Taliye ku xigeenka Laanta Dambi baarista Soomaaliya Bishaar Abshir Geeddi ayaa dadka sida been abuur ah u sameeya Dukumiintiyada uga digay in ay sii wadaan.

Taliye Bishaar ayaa ka hadlayay goob lagu soo bandhigay Rag lagu soo qabtay iyaga oo sameynaya dukumiintiyo been abuur ah iyo qalabkii ay ku adeegsanayeen.

Ragga la soo qabtay ayuu sheegay in ay sameynayeen Dukumiintiyada Dowladda,kuwa lagu dhoofo oyo dukumiintiyo kale.

Waxaa uu sheegay in wax badan ay ka qabanayaan Booliska Dadka ku howllan sameynta Dukumiintiyada sharci darrada ah.

Bishaar Abshir Geeddi ayaa ugu baaqay dadka ku howllan sameynta Dukumiintiyada been abuurka ah in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan qalabka ay ku shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here