{DAAWO SAWIRADA} Guddoomiyaha Degmada Bula Burde Iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ku Kulmay Bula Burde.

0
116

Guddoomiyaha Degmada Bula Burde Mudane Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa maanta Xafiiskiisa Xarunta Degmada ku qaabilay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage oo howlo shaqo ku jooga Bula Burde.

Abaanduulaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay sidii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan ay uga qeyb qaadan lahaayeen Xoojinta amniga islamarkaana maamulka iyo bulshada ay ula shaqeyn lahaayeen.

Mudane Cabdi Daahir Guure Karoore Guddoomiyaha Maamulka Degmada Bula Burde ayaa abaanduulaha sharaxaad ka siiyay dhibaatada degmada ka jirta ee go’doonka ay ku jirta ah iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la isugu furo wadooyinka xiran ee soo gala degmada.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu balan qaaday ka maamul ahaan in ay garab istaagayaan ciidamada bulshaduna ay ku wacyigalinayaan xaqiijinta amniga iyo in ay la shaqeeyaan Ciidamada.

Tan iyo markii uu la wareegay Maamulka degmada Bula Burde Guddoomiye karoore waxa uu ku guuleystay in wax badan uu ka bedelo waaqiciga Magaalada, waxaana ay wajaheysaa degmada horumar la taaban karo oo qeyb ka ah bilicda magaalada oo uu horseeday maamulka halkaasi, waxaana socda qorsha mashaariic horumarineed looga fulinayo degmad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here