{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Cusub ee Degmda Buulo Burde oo Manta Xilka la Wareegay

0
248

Munasadan oo aheeyd mid uu xilka kula wareegayey gudoomiyaha cusub e degmda buulo burde cabdi casiis duurow ayaa manta lagu qabtay degmadaasi waxaana madasha xil wareejinta ka qeeyb galay wasiiro xildhibaano Hirshabeelle ah.

Marti sharafkii munaasabada ka qeeyb galay ayaa soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee degmadaasi waxan sheegen in looga baahan yahay waxqbad.

Gudoomiyahii Hore ee degmadaasi Cabdi Daahir Guure ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay munaasabada xil warejinta ah waxaan uu Dukumintiyada ku wareejiyey Gudoomiyaha Cusub ee degmadaasi

Gudoomiyaha Cusub ee degmada Buulo Burde Cabdi Casiis Duurow ayaa sheegay in wax badan uu kusoo kordhin doono degmada isla markaana uu sameyn doono waxqabad la taaban karo.

Wasiirka arimaha Gudaha Hirshabelle maxamed Cali Caddle aya shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka Cusub ee looso magacaabay waxaana uu tilmaamay in manta waxii ka danbeeyo arimaha Buulo burde wax laga weydiin doono Gudoomiye Cabdi Casiis Duurow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here