{DAAWO SAWIRADA} Hay,ada Iida oo Baladweyne ku qabatay Aqoon isweydaarsi ku saabsan Qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya

0
195

kulankaan oo ay qabatay Hay,ada Iida oo kaashaneeysa ururka horomarinta haweenka Ee talawadaag ayaa loo qabtay Ururada Bulshada Rayidka Baladwyne waxaana furitaankiisa ka qeyb galay madax kamid ah hirshabelle maamulka degmada ururuada bulshada rayidka
kulankan ayaa looga hadlayey sidii Bulshada rayadka iyo waxgaradka ay talo ugu biiri lahaayeen qabya qoraalka Dastuurka Somaliya

Aamina Cabdulhi Cismaan  oo ah wakiilka Hayada Iida ayaa ka hadashay ujeedada kulanka iyo muhiimada uu u leeyahay ka qeyb galayaasha.

Gudoomiyayaasha Ururada Haweenka iyo dhalinyarada Gobolka hiiraan Maxamed cabdulaahi Buraale iyo Farxaan cumar carte ayaa si wada jir ah u bogaadiyay hayada Iida oo maanta so qaban qaabisay Aqoon siweydaarsigan ku saabsan dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah

Wasiir ku xigeenka wax barashada dowlad goboledka hirshabelle Muumin Tuure Cabdulahi ayaa  kaqeyb galayaasha ugu baaqay in ay taladooda ku biiriyaan sidii loo dhameeys tiri lahaa qabya qoraalka dastuurka soomaaliya oo hada meel xasaasi ah maraayo

Masuuliyiintii lagu casuumey kulanka Ee kasocdey Bulshada rayadka ayaa sheegey in ay garab istaagayaan sidii loo dhameeystiri lahaa dastuurkan Qabyada Ah
Wasaarada dastuurka ayaa wada dadaalo lagu dhameeystirayo dastuurka ayadoona gobolada dalka kuqabaneeyso kulamo bulshada looga tala gilinayo in Ay qeeyb kanoqdaan dhameeystirka Dastuurka Dalka,

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here