{DAAWO SAWIRADA} Inka badan 168; Qof oo ku dhintay Sunaami ku dhuftay Indonesia

0
184

Saraakiisha Laanta la tacaalidda Musiibooyinka ee dalka Indonesia ayaa sheegay in ilaa hadda ay hayaan meydadka 168 Qof oo ka mid ah boqolaal dad ah oo uu saameeyay Sunaami ku dhuftay dalkaasi.

Sunaamiga ayaa ka dhashay kaddib markii Badda hoosteeda ay Folkaano ka qaraxday sida ay sheegeen saraakiisha Dowladda,waxaana ay intaas ku dareen in Folkaanada ay sababtay in biyaha Badda sare u kacaan ilaa 20Mitir.

Sare u kaca biyaha ayaa saameyn ku yeeshay Barriga kudhow Badda,waxaana Daadka uu qaaday Dhismayaal waaweyn oo ay ku jiraan Hoteello,iyo dhismayaal kale oo muhiim ah.

Daadka ka soo rogmaday Badda ayaa saameeyay Gobolka Galbeedka Dalkaas ee dhaca Java oo lagu magacaabo Sunda Strait.

Saraakiishs Gurmadka wada waxaa ay sheegeen in 745 Qof ay dhaawacmeen, 30 qof kale lagu la’yahay raq iyo ruux, inta dhimatay ee ilaa hadda la ogyahayna ay tahay 168 Qof.

Xigsho AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here