{DAAWO SAWIRADA } Khasaaraha Uu Sababay Qaraxii Labaad Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0
222

Khasaaro ayaa ka dhashay qarixii labaad ee ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere,wax yar kadib markii uu qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Qaraxa ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,kaas oo la sheegay in qarixii hore markii uu dhacay halkaasi la dhigay.

wararka qaarkood aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa labaad ee ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka uu ku dhaawacmay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Ilo ku dhow dhow Guddoomiye Tuulax ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu dhaawac aad u fudud,hayeeshee inta badan Ilaaladii saarneyd gaariga uu watay ay geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here