{DAAWO SAWIRADA} Kheyre oo booqday dhaawacyada qaraxyadii shalay

0
89

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqasho ku tagay qaar ka mid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Booqashada Ra’isalwasaare kheyre ayaa la xiriirtay la socodka xaaladda bukaannadii shalay ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha la socotay Ra’isalwasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in Ra’isalwasaaraha iyo dowladda inteeda kaleba ay ka shaqeynayaan sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maareynta musiibooyinka ayaa sheegay in ay tageen Isbitaallada Madiina, Digfeer iyo kuwo kale,waxaana uu ballan qaaday in dadka dhaawacooda adagyahay ay dowladda caawin doonto.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho waxaa ku geeriyooday dad ka badan 25 Qof,waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 40 kale.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradii shalay ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here