{DAAWO SAWIRADA} Safiirka Somalia U Magacaawday Itoobiya Oo Warqadaha Aqoonsiga Laga Guddoomay,

0
114

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Mudane Cali Shariif Ahmed ayaa maanty oo Taariikhdu tahay 27 December 2018 u gudbiyey Warqada magacaabista (Accreditation Letter) isla markaana ka Guddoomay Madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Ethiopia Marwo Sahle-Work Zewde ayaa Safiirka ka gudoontay warqada magacaabista, waxayna ka tacsiyeysay dadkii wax-ku-yeeloobay qaraxii ka dhacay Caasimada dalka ee Muqdisho taariiqdu markay ahayd 22 December 2018.

Madaxweynaha ayaa xustay ahmiyada xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here