{DAAWO SAWIRADA} Wariye Cawil Daahir Salaad oo Muqdisho lagu aasay

0
134

Allaha u naxariiste wariye Cawil Daahir salaad oo kamid ahaa dadkii maanta kugeeriyooday qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay inta udhaxeysa Tiyaatarka qaranka, taalada xaawa taako, iyo guriga hooyooyinka ayaa aas qaran waxaa loogu sameeyay qabuuraha sheikh Suufi ee magaalada Muqdisho .

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay xildhibaano ka tirsan labbada golle ee baarlamaanka Soomaaliya ,Maamulka gobalka Banaadir, madaxda warbaahinada kala duwan ee ku yaalla caasimada dalka , iyo shacab kala duwan oo u badnaa ehelada marxuumka.

Maxamed Ibraahim Macalimoow oo ah xoghaya ururka saxafiyiinta qaranka Sooamaaliyeed ee NUSOJ oo warbaahinta kula hadalay qabuuraha lagu asayay marxuumka ayaa waxa uu tacsi u diray Caruurta wariye Cawil, eheladiisa,Bahda Universal Tv Oo Uu ka tirsanaa iyo Dhamaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

Cabdullahi Xirsi Kulmiye Agaasiamaha Tvga Universal ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo aasaka marxuumka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in cawil uu yahay shaqsi ay tabi donaan oo howl kar ahaa, waxa uuna intaa ku daray in cawil uu ahaa qof u samafala dadka danta yar uuna mudooyinkii dambe ku howlanaa howlo dibadda loogu qaadayo gabar uu ku dhacay kansar .

Maxamed Cali Wehliye oo ay isku hooyo ahayeen Cawil Daahir Salaad ayaa waxa uu ka halay kaalinta nololeed ee uu qoyskooda kulahaa iyo tirada caruur ah uu ifka kaga tagay.

Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa waxa uu ahaa wariye rug cada saxaafadeed ah oo in muda ah ka howlgalayay warbaahinta Soomaalida ,waxa uu kasoo shaqeyay xiligii dowladdi dhaxe radio muqdisho,  waxaa uu burburkii ka dib la soo shaqeeyay Horn Afrik iyadoo Horn Afrik ka dibna uu ku biiray shaqaalaha Muuq baahiyaha Universal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here