DAAWO VIDEO: Wariyaasha Puntland Oo Ka Hadlay Geeridii Wariye Cawil Daahir & Qaraxyadii Muqdisho

0
180

Wariyaasha ka hawlgala gudaha magaalada Garowe ee Puntland ayaa tacsi u diray eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay wariye Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa wariyaasha ka hawlgala TV-ga Universal oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale qaar kamid ah shaqaalaha Universal TV ee ka hawlgala magaalada Muqdisho.

Wariyaasha Garowe ayaa alle uga baryey wariye Cawil Daahir Salaad in uu janadiisa ah Fardowsa ka waraabiyo, waxaana laamaha amaanka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in ay joojiyaan sugida amaanka Muqdisho.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Shacabka magaalada Muqdisho ayey ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaanka iyo sidoo kale in la dilo dadka indhaha u ah umadda Soomaaliyeed ee mar walba lagu dilayo caasimada dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here