DEG-DEG: Manchester United Oo Shaqada Ka Ceyrisay Tababare Jose Mourinho

0
210

Manchester United ayaa ku dhawaaqday iney shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho kadib guuldaradii uu kala kulmay Liverpool, waana markii labaad oo ay Liverpool sabab u noqoto in laga ceyriyo tababarahaan shaqooyinka kooxaha horyaalka Premier League.

Maamulka Red Devils waxey go’aansadeen iney shaqada ka ceyriyaan Jose Mourinho kadib laba sano iyo bar uu kooxda maamulay, waxeyna noqotay sheeko lama filaan ah in wakhtigaan uu kusoo aado warkaan ay ku farxeen jamaahiirta kooxda shayaadiinta.

Waxaa la xasuustaa In Jose Mourinho laga ceyriyay shaqada Blues dhamaadka sanadkii 2015 kadib markii ay guuldaro 3-1 ah kala kulmeen Liverpool, waana markii labaad uu Jurgen Klopp masuul ka noqonayo inuu Mourinho shaqadiisa waayo.

“Kooxda waxey uga mahad celineysaa Jose Mourinho shaqadii uu kooxda usoo hayay wakhtigiisa, waxaana u rajeyneynaa inuu ku guuleysto mustaqbalkiisa” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda Red Devils.

Sidoo kala Red Devils ayaan la fileynin iney durba magacowdo tababar cusub, waxaana bayaanka lagu sheegay inuu jiri doono tababare kumeel gaar ah ilaa inta laga helaayo tababare si joogto ah ula wareega xilkaan.

“Waxaa la magacaabi doonaa tababare kumeel gaar ah ilaa dhamaadka fasal ciyaareedkaan, halka ay kooxda sameyneyso nidaam dhameystiran oo loogu talagalay macalinka buuxa”

Sida la fahamsan yahay Michael Carrick ayaa laga yaabaa inuu leyliyo kooxda inta ka dhiman fasal ciyaareedkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here