DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho

0
125

Waxaa la maqlay jug kale oo xoogan, waxaana lasoo warinayaa in  meel ku dhaw halka qaraxii hore lala beegsaday uu kana ka dhacay.

Qarixii hore ayaa lala beegsaday Bar Koontorool oo ku taalla Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya, waxaana wararka ay hiiranweyn heleyso ay sheegayaan in qaraxaanina lala beegsaday  Taalada Daljirka Daahsoon oo an ka fogeyn Tiyaatarka.

Qaraxaan labbaad ayaa waxaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana goobta uu ka dhacay gaaray ciidamada dowladda oo fariisimo ku leh meel ku dhaw.

Daqiiqado uun ka hor ayaa mar qura Muqdisho laga maqlay jugta qaraxa oo aheyd mid xoogan, waxaana xigay midkaan kale oo isna xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here