DHAGEYSO: Puntland oo ka Feejigan Arrin Qalqal Galisay Doorashada Koofur Galbeed

0
211

Axmed Cabdullaahi Yuusuf  Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa waxaa uu ka hadlay musharixiinta fara badana ee xiligan ku soo qul qulaya Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweeynayso Musharaxiinta soo gaaraya deegaanada maamulka puntland, waxaa uuna sheegay in amaankooda ay masuul ka yihiin saraakiisha amniga sida uu hadalka u dhigay.

HAlkan hoose ka dhageyso:

Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu musharixiinta ugu digay in hubka iyo ciidamo fara badan aysan la soo gali Karin Deegaanada Maamulka Puntland, isagoona sidoo kale u dignin adag u diray ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Puntland ayaa ka feejigan in Qalalaaso la mid ah kuwii Doorashada Koofur Galbeed ay ka dhacaan iyo in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay faragalin ku yeelato arrimaha Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here