Dowlada oo la wareegtay Isbitaalka Banaadir iyo Maamul cusub oo loo magacaabay

0
146

Wasaarada Caafimaadka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana wasaarada isbitaalkan u magacawday maamul cusub.

Digreeto kasoo baxay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu kala diray maamulkii hore ee Isbitaalka, Waxaana Wasaarada soo magacawday Agaasime cusub iyo sidoo kale Guddiga Maamulka iyo Kormeerka Isbitaalka Banaadir.

Wasaarada ayaa ku wargalisay Wasaaradaha , Hayadaha Dowliga iyo kuwa aan Dowliga aheynba in hada waxii ka dambeeya Isbitaalka Banaadir kala xiriiri karaan maamulka cusub ee loo sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here