Dowladda Somalia Oo Baaritaan Ku Bilaawday Qareeno Qaata Laaluush

0
139

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed oo Maanta ka hadlayay Munaasabad lagu dhaariyay Garsoorayaal uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowlad nimadiisii.

“Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.”

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay Maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Maleeshiyaadka Al Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here