FAAH FAAHIN Dagaal Beeleed Caawa ka socda Duleedka Degmada Balcad.

0
189

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay sheegayaan in Deegaanka Cadayda uu ka socdo Dagaal Beeleed.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa dhimatay, tiro kalena way dhaawacantay, waxaana dagaalka uu bilawday Gelinkii dambe ee maanta.

Maxamuud Cali oo kamid ah Dadka Deegaanka halka lagu dagaalamayo ayaa sheegay in dadka dhintay midkood uu yahay wiil yar, labada kalena ay yihiin dhinacyada Dagaalaamaya.

Ma jirto cid kala dhexgashay, waxaana wararka ay sheegayaan in Deegaanno horleh uu ku faafaahay.

Deegaanka lagu dagaalamayo ayay dadka deegaanka sheegeen in dhowaan lagu dhigay gogol lagu heshiisiinayay Beelaha Maleeshiyaadkooda dagaalamayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here