Faah faahin Khasaaro ka dhashay qarixii ka dhacay Muqdisho

0
94

wararka hiiranweyn ay heleyso waxa ay tibaaxayaan in qaraxa dhawaan ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Bar Koontorool oo laga gallo Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya oo Mataxtooyada ku dhaw uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaani ayaa waxa uu sababay dhaawac soo gaaray inta la ogyahay qaar kamid ah masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo kamid yihiin xildhibaano.

Waxa kale oo ay wararka intaas ku darayaan in qaraxaani ay ku waxyeeloobeen ilaaladii ilaalinaysay barta koontorool oo uu qaraxa ka dhacay, iyo dad kale oo ka ag dhawaa halkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here