FAAH FAAHIN Maleeshiyo Beeleed mar kale ku dagaalamay Xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud

0
162

Wararka Ka imaanaya dagmada Maxaas ee Gobolka hiiraan gaar ahaan xadka ay wadaagaan hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyo u abaabulan qaab beeleed ay ku dagaalameyn mar kale galabta orax dhicii deegaano hoostago gobalkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka galabta bilaawday uu ka dhashay dhimashada 12 ruux sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo ku dhaw degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan galabta bilaawday ayaa kusoo aadaya xili ay gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo tiro xildhibaano ah ay ku baxeyn deegaanada uu dagaallka ka bilaawday, si ay u kala qaadaan maleeshiyada dagaalamaya.

Gobolka Hiiraan waxaa kusoo noq noqday dagaalada u dhaxeeya Beelaha deegaanada gobolkaasi wada dega, kuwaasi oo badi isku dagaala beero iyo xoollo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here