Faah Faahin Sarkaal lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
223

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Horseed ee degmada Waabari ayaa waxa ay sheegayaan in Koox hubeysan ay halkaasi saakay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa Hiranweyn u xaqiijiyay in ninka la dilay lagu Magacaabi jiray Cabdi Maxamed Culusow.

Koox dhalinyaro ah ayaa toogtay , kadibna waxaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan howlgallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here