FAAH FAAHIN Weerar Askar Lagu Dilay Oo Caawa Ka Dhacay Boosaaso

0
126

Kooxo hubeysan ayaa Caawa Salaadii Maqrib kadib waxa ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ku sugnaa Barxada Weyn ee ku taalla kasoo horjeedka Xarunta Shirkadda Golis ee Magalada Boosaaso.

Ciidamada la weeraray ayaa fadhiyay Goob maqaayad ah oo ku taalla Barxada weyn ee kasoo horjeeda Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Golis,waxaana weerarkaas lagu dilay 2 askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Dad ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in raggii weerarka soo qaaday ay goobta ka baxsadeen,isla markaana askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay la geeyay Isbitaalka Bardam Qaasim ee Magalada Boosaaso.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaas,hayeeshee deegaanada Puntland waxaa ka howlgalla Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal xoogan kula jira Maamulka Puntland.

Xaalada Caawa Magalada Boosaaso ayaa ah mid kacsan,waxaana wadooyinka Magalada Boosaaso lagu arkayaa ciidamada Booliska puntland oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here