Goorma ayey dhaceysaa munaasibadda Caleemasaarka Lafta-gareen?

0
157

Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa tan iyo doorashadiisii 19kii Bishan waxaa uu kulamo kala duwan la leeyahay dhinacyada saameynta ku leh degaannada koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulankii ugu horreeyay waxaa uu la qaatay Musharrixiintii kula tartamayay doorashada isaga oo kala hadlay sidii a u wada shaqeyn lahaayeen islamarkaana meel isaga dhigi lahaayeen wixii dhexmaray intii lagu jiray ololaha doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya.

C/Casiis Maxamed Xasan Lafta-Gareen ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa uu kala hadlay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen islamarkaana meesha looga saari lahaa kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda ah ee soo kala dhexgashay Xildibaannada Koofur Galbeed.

Waxaa uu u sheegay in dhamaan Xildhibaannada kuwa doortay iyo kuwa aan u codeymba uu Madaxweynahooda yahay islamarkaana ay u simanyihiin,isaga oo u ballanqaaday dhankiisa in uu si wanaagsan ula shaweynayo kana shaqeynayo xuquuqda Xildhibaannada Koofur Galbeed.

Dhinaca kale waxaa uu qaabilay Odayaasha dhaqanka ee Koofur Galbeed,kuwaas oo doorashadiisii inta aanay dhicin ku taliyay in doorashada dib loo dhigo maaddaama ay taagneyd xiisaddii ka dhalatay xarigga Mukhtaar Roobow.

Lafta-Gareen ayaa Odayaasha Koofur Galbeed kala hadlay sidii ay dowladdiisa ugala shaqeyn lahaayeen horumarinta degaannada Koofur Galbeed iyo isku xirka Maamulka iyo Bulshada Koofur Galbeed.

Odayaasha ayuu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan sidii loo xallin lahaa waxyaabaha ka dhashay rabshadihii ka dhacay Baydhaba ee ay ku dhinteen dadka ku dhow 15 Qof,waxaana uu dhinaciisa ballan qaaday in uu ka shaqeynayo midnimada degaannada Koofur Galbeed.

Isaga oo sii wada kulamada uu la leeyahay dhinacyada Koofur Galbeed ayuu sidoo kale la kulmay Xidhibaannada ku jira Baarlamaanka Federaalka ee matala maamulkaas.

Waxaa uu u sheegay in xaqa Dadka Koofur Galbeed ee ay iyaga Federaalka ku matalaan uu isaguna maamul ahaan kumatalayo.

Waxaa uu ka codsaday in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta degaannada Koofur Galbeed,meelna la iska dhigo wixii khilaafaad ahaa ee ka dhashay doorashadii Koofur Galbeed ee uu isaga ku guuleystay.

Munaasibadda Caleemasaarka C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa lagu wadaa in ay Baydhaba ka dhacdo bartamaha Bisha soo socota ee 2019ka,waxaana ka qeybgelaya mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Federaalka iyo xubno kale oo haddaba lagu jiro casuumiddooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here