Guddoomiye Mursal oo ka hadlay geerida Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle

0
90

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush) oo maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Waxaa uu Alle uga baryay inuu siiyo naxariistiisa, ehelkiisa, golaha Shacabka iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun Anigoo ku hadlaya magaceyga,kan Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Guud ahaan Xildhibaanada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, xildhibaanka uu ka geeriyooday,Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Allaha ha u naxriisto Kitaabkiisa gacanta midig Allaha ka siiyo Xildhibaanka waxa uu ahaa qof waddani ah oo jecel horumarka dowladnimada Dalka,waxa uu ahaa shaqsiyadiisa qof af gaaban oo Mar walba cibaadada Alle ku dadaala, naxriis badan Alle ka cabsigana dadka ku waaniya Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo Anagana gadaashiisa nama fidneeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka, sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here