Gudoomiyaha Dagmada Yaaqshiid oo Shaqo joojinta lagu sameeyay,

0
236

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir ayaa markale shaqo joojin ku sameeyay gudoomiye degmo oo ka mid ah Gudoomiyeyaasha gobolka Banaadir, xilli uu dalka ka maqan yahay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa shaqo joojin ku sameeyay  Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow).

Guddoomiyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Wareegtada ayaa lagu xusay in shaqada guddoomiyaha degmada Yaqshiid uu sii haynayo Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada degmadaas.

Waa markii labaad ee uu Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo isagoo ah kusimaha guddoomiyah gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa horay Shaqo joojin uu ugu sameeyay ka dib markii lagu eedeeyay in uu hareer maray hanaanka maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here