Kulan dhax maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame

0
118

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta orax dhicii hoygiisa magaalada Muqdisho kula kulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa ayna ka wada hadleyn arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalku ku jiro.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dowladda Soomaaliya aad u dhaliila ayaa kullanka uu la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku micneeyay mid muhiim ah oo siyaasada dalka looga hadlayey.

Waxaa kale oo kullankaasi xaadir ahaa Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble oo isna hogaamiya xisbi kale oo siyaasi.

“Waxaan galabta kulan yeelanay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hogaamiyaha Xisbiga UPD, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Hogaamiyaha Xibsiga Ilays. Waxaan kulanka oo saacado qaatay iska warsanay xaalada amni iyo tan siyaasadeed ee dalka. Waxaan hoosta ka wada xariiqnay in aan si Wadajir ah danta guud uga wada shaqayno, kulamo joogta iyo talo balaarina aan samayno.”ayuu bartiisa Facebook kusoo baahiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here