Maamulka Jubbaland Oo Sheegay in ay qadayaan howgal ka dhan ah Shabaab

0
79

La taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Jubbaland General Cabdi Mahdi ayaa  sheegay  in maamaulka Jubbaland ay dhawaan isku soo dhiibeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, walloow uusan sheegin tirada rasmiga ah ee isku soo dhiibtay waxaana uu sidoo kale sheegay in ay bilaabayaan howgal ka dhan ah Shabaab.

General Cabdi ayaa ku nuux nuuxsaday in la joogo xiligii Shabaab laga saari lahaa deegaanada ay kaga harsanyihiin Maamulka Jubbaland ayna howgalkaasi  bilaabayaan sanadka cusub ee 2019  oo maalma oo kaliya ay inaga xigto.

Waxa uu sheegay in si gaar ah u bartilmaameedsan doonaan Shabaabka ku sugan inta u dhaxeyso Jamaame iyo Kismaayo oo uu sheegay in ay muhiim tahay in wadadaasi laga saaro Shabaab si buu yiri ay u sahlanaato isku socodka Jamaamme iyo Kismaayo.

Hadalka La taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweynaha Jubbaland General Cabdi Mahdi ayaa  imaanaya iyadoo maamulka Jubbaland aad loogu dhaliilo in uu ka gaabiyay la dagaalanka Shabaab hase ahaatee hada waxa ay u muuqataa in ay doonayaan in ay dadaal muujinaan inkastoo wakhtiga u haray uu yaryahay oo ay doorasho dhawaan isku diyaarin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here