Man United vs Arsenal – Shaxda Suurtogalka Ah, Dhaawacyada, Rikoodhada Yaalla iyo Wararkii U Dambeeyey

0
122

Kulankooda koowaad ee xili ciyaareedka 2018-19 ayaa ay caawa isku haleeli doonaan kooxaha Manchester United iyo Arsenal, kuwaas oo is araggoodani noqonayo midkii ugu horreeyey tan iyo 1986 ee aanu midkoodna joogin Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger.

Labada kooxood ayaa ku jiro xaalado kala duwan oo midkoodna qalalaase dhex fadhiyo midka kalena qaab ciyaareed cajiib ah ku jiro inkasta oo hoggaanku ka fogyahay, waxaana kulankooda maantu uu noqonayaa mid sii xumeeya xaaladda Man United ee musibada ah, amaba u noqda nefis uu kaga yara dego culayska faraha badan ee saaran.

Manchester United kulankeedii ugu dambeeyey waxay la kulantay barbar-dhac ay la gashay SOuthampton oo weliba goolasha kala hor martay, laakiin Arsenal ayaa guul weyn oo 4-2 ah ka gaadhay Tottenham oo ay ku martigelisay Emirates.

Xogta ciyaarta:

Kulanka: Manchester United vs Arsenal

Taariikh: December 5, 2018

Waqtiga: 11:00-fiidnimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford.

Wararkii ugu dambeeyey

Ashely Young ayaa ganaax kaga maqnaan doona Manchester United, waxaana booskiisa diyaar u ah saxeexa cusub ee Digo Dalot, laakiin waxa jira ciyaaryahanno kale oo ay calaamatu-su’aal saaran tahay sida Romelu Lukaku iyo Luke Shaw oo bandhig diciifnimo iyo ceeb ah muujiyey kulankii Southampon, kuwaas oo uu tababaruhu go’aan ka gaadhi doono inuu ciyaarsiiyo iyo in kale, sidoo kalena qaba jugo aan cuslayn oo kasoo gaadhay kulankaas .

Marcus Rashford oo dhibaato kasoo gaadhay kulankii Sabtidii ayaa taam u ah inuu hoggaamiyo shaxda Mourinho, waxaase illaa daqiiqadda ugu dambaysa la sugi doonaa in Chris Smalling, Eric Bailly, Matteo Darmian iyo Antonio Valencia ay ciyaari karayaan, halka Alexis Sanchez iyo Victor Lindelof aanay wax fursad ah u heli doonin oo ay dhaawac ku maqnaanayaan.

Dhinaca Arsenal, Granit Xhaka ayaa ganaax ku maqnaan doona kaddib kaadh huruud ah oo uu qaatay kulankii Tottenham, kaas oo buuxiyey tirada shan kaadh oo laacibiinta dibedda dhiga hal kulan.

Nacho Monreal, Konstantinos Mavropanos iyo Danny Welbeck ayaa iyaguna dibedda ka ahaan doona Arsenal kulanka muhiimka ah ee maanta.

Rikoodhka labada kooxood

  • Manchester United hal mar lagama badinin 11kii kulan ee ugu dambeeyey ee garoonka Old Trafford ay ku martigelisay Arsenal. Siddeed jeer way badisay, saddexna barbar-dhac ayay galeen, waxaana ugu dambaysay in lagaga adkaado September 2006. Laakiin Arsenal ayaa guul-darrooyin la kulantay labadii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee xili cyaareedkii hore.
  •  39-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Arsenal ay martida u noqotay Manchester United, saddex kulan oo kaliya ayay dhalisay wax ka badan hal gool, saddexdaas ciyaaroodna dhamaantood waa laga adkaaday. November 1984-kii Manchester United ayaa 2-4 ku jiitay Gunners, kulankii xigay oo dhacay August 2011 waxa uu ku dhamaaday 2-8 ay guuleysatay Man United, halka ciyaarta kalena ay sannadkii 2016 3-2 ku adkaatay Man United.
  • Ciyaarta maantu taariikh weyn ayay leedahay, waana markii koowaad ee United ay badhtamaha usbuuca garoonkeeda Old Trafford ku martigeliso Arsenal tan iyo sannadkii 2002 markaas oo Gunners ay 1-0 guushu ku raacday, waxaana goolkaas dhaliyey Sylvain Wiltord.
  • Arsenal way wada guul-darraysatay saddex ciyaarood oo horyaalka Premier League oo badhtamaha usbuuca ay ciyaartay, kuwaas oo Swansea City, Man City iyo Leicester City ay xili ciyaareedkii hore la kala ciyaartay maalmo kala ahaa Salaasa, Abraca iyo Khamiis.
  • Manchester United waxa laga dhaliyey 23 gool 14-kii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, taas oo muujinaysa in dhibaato weyn ka haysato difaaca. Marka la barbar dhigo xili ciyaareedkii hore, kulankii 30-aad ee horyaalka ayaa United laga dhaliyey goolkii 23-aad balse hadda 14 kulan oo kaliya ayaa waxaas oo gool ah shabaqeeda la taabsiiyey.
  • Arsenal dhinaceeda dhulka lama dhigin 19-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, waxaana rikoodh noocan oo kale ah ugu dambaysay sannadkii 2007 oo aan laga adkaanin 28 kulan oo xidhiidh ahaa oo u dhexeeyey April illaa November.
  • Arsenal way guuleysatay afar ka mid ah lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee ay dibedda uga baxdo garoonkeeda, mid barbaro ah iyo mid khasaare ah ayaana u raaca.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Man United Vs Arsenal:

Manchester United :De Gea; Dalot, Smalling, Jones, Shaw; Matic, Herrera; Lingard, Pogba, Martial; Lukaku

Arsenal:Leno; Sokratis, Mustafi, Holding; Bellerin, Torreira, Guendouzi, Kolasinac; Ramsey, Aubameyang, Lacazette

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here