Maxaa ka jira in la xiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya ?

0
167

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay saacadihii lasoo dhaafay warar sheegayay in la xiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya Mohamed Abdullahi Salad (Oomaar)

Wararka lagu baahiyay warbaahinada qaar iyo baraha bulshada ayaa lagu sheegay in wasiirka loo xiray musuq maasuq iyo lacago badan uu lunsaday, waxaana warkan uu noqday mid si weyn baraha bulshada loogu baahiyay.

Ilo lagu kalsoonaan karo oon la hadalnay ayaa noo sheegay in been yahay in Wasiir Oomaar la xiray loona heesto musuq maasuq, waxa ayna ilahan noo xaqiijiyeen in warkan uu yahay mid dad gaar ah ay faafiyeen.

Saacadaha soo aadan ayaa laga yaabaa in Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya Mohamed Abdullahi Salad uu ka hadlo warkan laga faafiyay ee ku aadan in Musuq maasuq loo xiray.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili baraha bulshada lagu baahiyay Muuqaal lagu eedeenayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya, muuqaalkan ayaana lagu sheegay in Wasiirka uu lunsaday lacago badan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here