Maxaad kala socotaa cudur faro ba’an ku haya carruurta Soomaalida?

0
123

Dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa Soomaalida ku nool qurbaha, gaar ahaan dalalka Yurub iyo waddanka Mareykanka ku soo badanayay carruurta qaba cudurka Autism-ka.

Autism waa xanuun dhanka maskaxda ah oo carruurta ka hor istaaga iney isdhexgal la sameeyaan dadka.

Arrintan ayaa waxa ay walaac ku abuurtay waalidiin badan oo ay ku adkaatay inay fahmaan sida loo xanaaneyn karo carruurta xanuunkaasi la nool.

Saynab Cabdalla oo baratay cilmi cudurka Autism-ka u gaar ah ayaa waxa ay aasaastay hay’ad maxali ah oo la yiraahdo HANGOOL, hay’addan ayaa gacan siisa waalidiinta carruurta la nool xanuunkaasi.

Saynab Cabdalla ayaa sheegtay in hay’adeeda ay siiso tobabarro waalidiinta iyo carruurta qaba cudurkan, “Waxaa jiro waalidiin badan oo ay luuqadda ku adagtahay, marka waxa aan siinnaa tababarro, si ay carruurtooda u caawiyaan, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan furo xarun ay ku ciyaaraan carruurta qaba cudurka Autism-ka”

Waalidiinta ku nool dalalka Yurub iyo waddanka Mareykanka ayaa badanaa wajaha dhibaatooyinka dhanka la tacaalista carruurta qaba xannuunkan, “Hay’adda Hangool waxa ay ku dadaalaysaa sidii ay waalidiinta uga caawin lahayd wanaajinta xirriirka u dhexeeya iyaga iyo iskuullada ayna noqoto wado uu waalidka iskuulada caawimaad uga helaan.” Ayey tiri Saynab

Xannuunkan ayaa la sheegay inay u badanyihiin Soomaalida marka la barbar dhigo qowmiyadaha ay isla deegaanka ku noolyihiin, inta badanna waxa ay la kulmaan takoor.

“Waxan rabaa inaan ururka uga faa’iidooyo Soomaalida meel walba oo ay joogaan”.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here