Mid ka mid ah Shaqaallaha Wasaaradda Diinta oo Muqdisho lagu toogtay

0
104

Koox hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley nin la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaallaha Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta ee dowladda Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta dheer oo la sheegay in uu deganaa, waxaana toogtay Koox ku hubeysan Bastoolado oo la sheegay dilka ka dib in ay goobta ka baxsadeen.

Ninka la dilay ayaa waxa lagu Magacaabi jiray Sheekh  Maxamad Cabdi oo loo yaqaanay  (oongooye).

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyay in dilka ninkaan, waxaana uu tacsi u diray Ehelkii uu ka geeriyooday.

Ninkaan ayaa sidoo kale ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha ku yaalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa laga barto diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here